Madaxweyne Ruto oo ka tacsiyadeeyay geerida madaxweynihii hore ee Zambia

0
229

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi u diray shacabka iyo qoyska madaxweynihii hore ee waddanka Zambia Edgar Lungu oo geeriyooday isagoo 68 sano jir ah.
Waxaa uu ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi si niyad iyo ka go’naansho leh ugu soo adeegay dadweynaha dalkaasi.
Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Zambia Edgar Lungu.
Waxaa geerida Edgar Lungu xaqiijiyay xisbigii uu ka tirsanaa ee Patriotic Front.
Xisbiga ayaa laga soo xigtay in hoggaamiyihii hore ee Zambia uu daryeel caafimaad oo khaas ah ka helayay isbitaal ku yaalla waddanka Koonfur Afrika.
Hasa ahaate ma uunan shaacin xanuunkii laga daaweynayay ee uu u geeriyooday.
Gabadhiisa oo lagu magacaabo Tasila ayaa muuqaal ku sheegtay in aabaheed uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika oo toddobaadyadii ugu dambeeyay lagula socday xaaladdiisa caafimaad.
Lungu ayaa madaxweynaha Zambia ahaa muddo 6 sano ah intii u dhexeysay 2015-kii ilaa 2021-kii waxaana markii dambe xilka uga guulaystay madaxweynaha hadda talada haya Hakainde Hichilema .