Madaxweyne Ruto oo ka qayb galaya shirka Cimilada Afrika ee Itoobiya

0
440

Madaxweyne William Ruto ayaa maanta oo Axad ah dalka ka dhoofay si uu uga qeyb galo shirka cimilada Afrika oo ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Shir madaxeedka labaad ee Cimilada ayaa dhici doona 8-da ila 10-ka September halkaas oo madaxda dowladaha ay ka shiri doonaan sidii loo horumarin lahaa hoggaanka Afrika ee waxqabadka cimilada iyo kobaca cagaaran.
Magaalada Nairobi ayaa waxaa ay martigelisay shirkii ugu horeeyay ee Cimilada Afrika bishii Septermber ee 2023-kii kaasoo lagu daah furay, mowqif midaysan oo Midowga Afrika uu ku baaqayo habab cusub oo maalgelineed oo loogu talagalay kobaca cagaaran, oo ay ku jirto cashuurta kaarboonka ee caalamiga ah ee ganacsiga shidaalka, badda, iyo gaadiidka duulista.
AU-da ayaa sidoo kale shirkaas ku soo hadal qaaday sidii dib u habeyn lagu sameeyn lahaa nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah si loo taageero cimilada iyo ajendaha horumarinta Afrika.
Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada ee State House Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Ruto lagu wado in uu daah furo warbixinta ” Nairobi ila Addis Ababa: Socdaalka Tallaabada Cimilada iyo Iskaashiga ee Afrika.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu magaalada Addis ku suggan yahay goob joog ka noqon doona saxeexa qaab dhismeedka iskaashiga ee Hindisaha Warshadaha Cagaaran ee Afrika (AGII) isagoo khudbad ka jeedin doono shirka Afrika-CARICOM (Bulshada Caribbean-ka) ee ku saabsan dib u celinta caddaaladda, joogtaynta deynta, iyo iskaashiga ka gudba qaaradaha.
Inta lagu guda jiro shir madaxeedka, Ruto ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka qeyb galo wadahadalada maaliyadda cimilada si uu u furo maalgashiga iyo kor u qaadida doorka Afrika ee qaabeynta isbedelada caalamiga ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa marti sharafta ka mid noqon doonaa ee furitaanka Biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, mashruucan oo bixinaya koronto nadiif ah oo jaban, xoojinta amniga tamarta, xasilinta saadka xilliyada abaaraha, iyo taakulaynta kobaca warshadaha.