DHAGEYSO:Madaxweyne Ruto oo ka jawaabay tabashooyinka Azimio

0
426

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in tabashada mucaaradka ay ka qabaan shaqaaleysiinta howlwadeennada cusub ee guddiga doorashooyinka ee IEBC lagu xalliyo qaab dastuuri ah oo loo maraya baarlamaanka.
Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Raila Odinga ayaa dalbanayay isbeddelo dhinaca doorashooyinka ah oo ay ka mid tahay in shaqooyinkoodii lagu soo celiyo afartii sarkaal ee IEBC ee si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyey.
Madaxweyne Ruto ayaa galabta rajo wanaagsan ka muujiyey in haddii baarlamaanka uu arrintan u wajaho qaab loo dhan yahay in la xallin karo ismari waaga taagan.
Raila iyo xulafadiisa ayaa horay dowladda ugu eedeynayay inay howlwadeennada cusub ee IEBC u howlgelinayso qaab aan loo dhanayn.
Ruto ayaa sheegay in guddiga ka kooban toddobo xubnood ee ku howlan shaqaaleysiinta saraakiisha IEBC in lagu soo dhisay xeer ay ansixiyeen baarlamaanka iyo aqalka sare hasa ahaate isagoo tixgelinaya tabashada mucaaradka uu soo jeedinaya in qodobkan uu baarlamaanka eego si looga heshiiyo waxyaaha u baahan in dib u eegis lagu sameeyo.
Mucaaradka ayaa dalbanayay in la furo keydka diiwaanka doorashada maadaama uu Raila aaminsan yahay inuu ku guulaystay doorashadii hore balse looga shubtay natiijada.
Ruto ayaa sheegay in bishii Siddeedaad ee sanadkii hore guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC inuu qabtay doorasho hufan ka dibna markii ay mucaaradku muran galiyeen natiijada ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka dhinac iskaga dhigtay doodoodi sidaas awgeedna in qodobkan uu yahay mid laga soo gudbay.
Qodobka saddexaad ee ay mucaaradka ku saleynayeen dibadbaxyada ayaa ah in dowladdu ay hoos u dhigto qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin lagu xallinaya sicir bararka nololeed ee jira sida in la diiwaangeliyay ilaa 5 milyan oo beeralay ah sidoo kalena ay dowladdu diyaarisay 6 milyan oo bacrimin ah si loo fududeeyo wax soo saarka.
Madaxweynaha ayaa xusay in toddobaadkan dalka dibadiisa laga keenaya cuntooyin kala duwan oo ay dowladdu dalbatay si loo yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.