Madaxweyne Ruto oo hoggaamiyayaasha ugu baaqay inay ka fogaadaan siyaasada kala qayb sanaanta

0
351

Madaxweyne William Ruto ayaa ka codsaday hoggaamiyayaasha inay joojiyaan siyaasadda is diidan iyo qabyaaladda, ayna qaataan midnimada Kenyaanka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in siyaasadaha isdiidan ay sabab u tahay horumar la’aanta ka jirta gobolada dalka qaarkood.
Waxaa uu ka xumaaday in horumarka Kenya ay wiiqday siyaasadda kala qaybsanaanta taasoo caqabad ku ah dadaallada midnimada qaranka.
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray aaska madaxii ilaalinta Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga oo ka dhacday ismaamulka Siaya madaxweyne Ruto ayaa sidaas darteed ku baaqay in la joojiyo siyaasadda kala qeybsanaanta iyo qowmiyadaha.
Waxaa uu Odinga ku ammaanay tallaabada geesinimada leh ee uu kula shaqeeynaayo dowladda sal-ballaaran, isagoo sheegay in ay tahay midnimada iyo barwaaqada dalka.
Madaxweynaha ayaa madaxda ka codsaday in ay tusaalo ka qaataan Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ay danta Kenyaanka ka hormariyaan tooda.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa munnaasabada uga faa’idaystay in uu tiriyo guulaha ay dowladda ka gaartay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo beeraha, isaga oo sheegay in ay kor u qaadeen dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne Ruto ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay xasilinta lacagta shilinka Kenya iyo hoos u dhaca sicir bararka oo tilmaamay in dhaqaaluhu uu hadda soo hagaagay.
Sida uu madaxweynaha sheegay waa markii ugu horeeysay taariikhda dalka in qayb kasta ee waddanka lagu xiriiriyay koronto.
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ahna Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa dhankiisa ku booriyay Kenyaanka inay ka waantoobaan siyaasadda qabyaaladda ayna qaataan midnimada.
Waxaa uu xildhibaanada uga digay in la wiiqo awood qeybsiga, isagoo sheegay in ay wax ka bedeshay nolosha dadka reer miyiga ah.