Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta oo sabti ah gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaasoo uu ka dhacayo xafladda aaska Baadariga Pope Francis.
Madaxweyne Ruto ayaa waxaa qaabilay afhayeenka aqalka baarlamaanka dalka Moses Wetangula isagoo ku biiray madaxda kale ee caalamka ee ka qeyb galaya xaflada aaska ah.
Vatican-ka ayaa sheegtay in ugu yaraan 130 wafdi ajnabi ah ay xaqiijiyeen ka qeyb galka aaska Pope Francis, oo ay ku jiraan 50 madax dowladeed iyo 10 boqorro ah.