Madaxweyne Ruto oo ballan qaad u sameeyay xulka qaranka ee Kenya

0
444

Ka hor tartanka qaramada Afrika ee 2024 (CHAN), oo sabtida ka furmaya caasimadda dalka Tanzania ee Dar es Salaam, madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa saaka quraac ku martigeliyay xulka qaranka kubbadda cagta, Harambee Stars, si kor loogu qaado niyaddooda, xilli ay isku diyaarinayaan kulankooda furitaanka ah ee xulka qaranka DRC Congo maalinta Axadda ah kaasi oo ka dhacaya xarunta ciyaaraha caalamiga ah ee Moi, Kasarani.
Madaxweyne Ruto, oo kooxda ku booqday xeradooda, ayaa waxaa ku wehlinaayay wasiirka Isboortiga, Salim Mvurya, Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada ciyaaraha Nicholas Musonye, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Madaxweynaha ayaa u ballan qaaday xulka kubadda cagta Kenya in uu abaal-marin u fidin doono:.
Abaalmarintan ayaa ah 1 milyan oo shilin oo qof kasta oo ka mid ah waftiga kooxda Harambee Stars ciyaar kasta oo ay guulaysato, iyo 500,000 oo shilinka dalka ah haddii ay galaan barbardhac ah .
Intaa waxa u dheer in kooxdu heli doonto 60 milyan haddii ay u soo baxdo wareegga 8-aad, 70 milyan waxaa la siin doona haddii ay iska xaadiriyaan semi-finalka iyo 600 milyan ayaa la siin doona xulka qaranka Kenya hadii ay ku guulaystaan koobka tartanka CHAN.