Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ugu baaqay taageerayaasha kooxda Harambee Stars in ay ilaaliyaan anshaxa inta lagu guda jiro kulanka Axada ay kooxdu ku wajahayso Zambia garoonka Kasarani Stadium ee magaalada Nairobi.
Isagoo sheegay in dalka uu ku faani karo wacdaraha ay kooxda Harambe Stars ka soo hooyeen tartanka qaramada Afrika, ee loo yaqaano CHAN, ayuu madaxweyne Ruto ugu baaqay taageerayaasha inay sidoo kale muujiyaan dhaqankooda ugu wanaagsan.
“Taageerayaasha iyo dadka Kenya, waxaad qabateen shaqo aad u wanaagsan oo aad ku faraxsan tihiin kooxda Harambee Stars, laakiin waa inaan taas ku sameynaa iyadoo la eegayo sharciga xiriirka kubbadda cagta Afrika (CAF),” ayuu yiri.
Baaqan ayuu diray mar uu la hadlayay wafdi ka socday ismaamulada Kisii iyo Nyamira oo ku sugnaa aqalka madaxtooyada ee Nairobi.
Wuxuu ku booriyay taageerayaasha aan tikidhada haysan inay ku raaxaystaan ciyaartan fagaarayaasha lagu daawado ee ay dawladda ismaamulka Nairobi ka hirgelisay guud ahaan magaalada.
Madaxweyne Ruto ayaa ka jawaabayay muuqaaladii fowdada ahaa ee lagu arkay intii ay socotay ciyaartii Harambee Stars iyo Morocco, taasoo lagu arkayay taageereyaal ku xadgudbay ammaanka garoonka Kasarani.
Hadalka madaxa dowlada ayaa yimid iyadoo dowlada ay adkeysay talaabooyinka amaanka kadib qalalaasihii ka dhashay iska horimaadkii Kenya iyo Morocco.
Dhacdadan ayaa keentay in xiriirka kubada cagta Afrika (CAF) uu ku soo rogo Kenya ganaax lacageed oo dhan 12 milyan Ksh.