Madaxweyne Ruto oo abaal marin guddonsiin doono 5-tii guddoomiye xaafadeed ee laga afduubtay Mandheera

0
478

Wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne William Ruto uu awaal marrin doono shan guddoomiye xaafadeed oo 3-dii bishii February ee sanadkan lagu afduubtay magaalada Ceelwak ee ismaamulka Mandheera.
War qoraal ah oo uu soo saaray Talaadadii ayuu Murkomen ku sheegay in guddoomiye xaafadeedyadii u dulqaatay dhibaatadii ay soo mareen iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, la siin doono bogaadinta Madaxa Qaranka (HSC).
Murkomen ayaa ku micneeyey in abaal marrintan ay ka dhigan tahay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay garab istaagto dhammaan saraakiisha amniga ee ku shaqeeya duruufaha adag ee dalka oo dhan.
Guddoomiye xaafadeedyadan ayaa la sii daayay 62 beri ka dib markii la afduubay ka dib wada xaajood xooggan oo ay wadeen odayaal ka kala socday Kenya iyo Soomaaliya.
Bayaan uu soo saaray Axaddii 6-dii bishii April ee sanadkan ayuu Murkomen ku xaqiijiyay sii dayntooda.
Mas’uuliyiinta ayaa dabley hubeysan waxaa ay xoog kaga kaxeysteen deegaanka Ceelwaaq ee ismaamulka Mandheera, maalin ka hor intii uu madaxweyne William Ruto bilaabin socdaalkiisii Gobolka Waqooyi Bari.