Madaxweyne Ruto iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray guriga Raila ee Karen

0
203

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa duhurnimada hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda oo tagay guriga qoyska Odinga ee xaafada Karen ee magaalada Nairobi si ay uga tacsiyeeyaan mama Ida Odinga iyo qoyska geerida ku timid ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada.
Sidoo kale waxaa hoyga ku sugnaa madaxda ugu sareysa ODM oo uu ku jiro xoghayaha guud Edwin Sifuna iyo dhowr xildhibaan oo isu soo baxay si ay u maamuusaan.
War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa sheegay in madaxweynaha uu shir guddoomin doono kulan gaar ah oo golaha wasiirada ah 2:30 duhurnimo si looga tashado tillaabada xigta ee la qaadi doono ka dib geeridii Odinga isagoo intaa ku daray in madaxweynaha uu saaka shir gudoomiyay shir aan caadi ehen ee golaha ammanka qaranka.