Madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindiki ayaa sheegay in gobolka Ukambani uu si buuxda uga faa’iidaysanayo qorshaha horumarineed ee dowladda kaas oo la doonayo in lagu wanaajiyo nolosha dhammaan dadka Kenyanka ah iyada oo aan la takoorin.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in uu la shaqeynayo dhammaan madaxda ka soo jeeda gobolkaas si loo hubiyo in deegaanka uusan dib u dhac ugu imaanin horumarka, isagoo ballan qaaday in uu raadin doono madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka si uu wadatashi ugala yeesho sidii gobolka Ukambani loo horumarin lahaa.
Isagoo ka hadlayay Jimcihii intii lagu guda jiray Madasha Awood-siinta ee Masii, ismaamulka Machakos, ayuu sheegay in gobolka Ukambani uu mudan yahay mashaariic iyo barnaamijyo kor loogu qaadayo nolosha dadka.
Kindiki ayaa ugu baaqey hogaamiyaasha siyaasadeed in ay ka waantoobaan kicinta bulshada oo ay diirada saaraan hormarka qaranka.
Waxaa uu intaas ku daray in madaxweyne Ruto uu jecelyahy in dalka uu gaaro hormar loo siman yahay.