Madaxwayna ku xigeen Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo dhawaan shaaciyay inuu la wareegay xilka madaxwaynenimo ee maamulka Puntland ayaa Guddoomiyaha gobolka Mudug u Magacaabay Faysal Sheekkh Cali Maxamed, wuxuuna bedelayaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwayna ku xigeen Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash kuna taariikheysan 24, Apriil 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in kadid markii Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Puntland uu arkay Dastuurka Puntland,Baahida Shaqo ee Jirta sidoo kalena uu tix geliyey Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo uu u Magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug.
Xeerkaan a wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay ayaa lagu yiri.
Waa Magacaabistii ugu horreeysay ee uu sameeyo Madaxwayna ku xigeen Puntland ee dhawaan sheegay inuu la wareegay xilka madaxwaynenimo ee Puntland xilli Madaxweynaha maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni uu Muqdisho u joogoi doorashada Madaxtinimada Soomaaliya uu shaqsiyaadka u sharaxan ka mid yahay.