Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday ku xigeenka madaxweynaha dalka Gambia Badara Alieu Joof.
Geerida mas’uulkan waxaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay madaxweynaha wadanka Gambia Adama Barrow.
Waxaa uu ku geeriyooday dalka india.
Badara Alieu Joof ayaa maalmo yar xanuunsanaa inkastoo uusan madaxweyne Barrow xaqiijin in uu xaalad caafimaad u joogay wadanka India.
Madaxweyne Barrow ayaa madaxweyne ku xigeen u soo xushay Badara Alieu Joof, doorashadii uu ku guuleystay markii labaad bishii 12-aad ee sanadkii 2021-kii.
Fellow #Gambians, it is with a heavy heart that I announce the passing away of my #VicePresident, His Excellency, Badara Alieu Joof. The sad event took place in India after a short illness. May Allah grant him Jannahtul Firdawsi.
— President Barrow (@BarrowPresident) January 18, 2023