Ku xigeenka madaxweynaha dalka ,Rigathi Gachagua ayaa xalay wadanka ka ambabaxay wuxuuna ka qayb geli doonaa shir berri ka furmaya magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.
Shirka oo ah mid uu heerkiisu sarreeya ayaa waxaa soo qaban qaabisay qaramada midoobay iyadoo diiradda la saari doono hannaanka cunnada.
Mr .Gachagua oo matalaya madaxweynaha dalka, William Ruto ayaa kulankaasi oo soconaya saddex cishe khudbad ka jeedin doono.
Waxaa uu khudbadiisa xoogga ku saari doonaa isbeddellada ay Kenya ku sameysay nidaamyada cuntada si gaar ah kheyraadka loo qoondeeyo cirib tirka gaajada iyo nafaqo darrada.
Mas’uuliyiinta shirka ka qayb galaya waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni iyo Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres.
Sidoo kale waxaa shirka looga hadli doonaa barnaamijka cuntada loogu qaybiyo ardayda ee dugsiyada.
Mr. Gachagua ayaa madaxda shirka ka qayb galaysa iyo mas’uuliyiinta hay’adaha qaramada midoobay sida WFP iyo FAO , faahfaahin ka siin doono horumarka ay Kenya ka gaartay barnaamijka quudinta ardayda oo la billaabay sanadkii 1980-kii.
Waxaa hadda qorshahan guud ahaan wadanka ka faa’iidaysta ugu yaraan 1.6 milyan oo arday ah.
Dowladda dhexe ayaa miisaaniyad sanadeedkan 2023/2024-ka arrinkan u qoondeysay lacag dhan 5 bilyan oo shilin.
Qodobbada kale ee uu ka hadli doono ku xigeenka madaxweynaha dalka waxaa ka mid ah sida ay dowladda dhexe ugu dadaalayso sare u qaadidda wax soo saarka si loo yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Sidoo kale hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa galinka dambe ee berri la kulmi doono qurbajoogta kenyaanka ah ee ku nool magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga.
Gachagua ayaa doonaya inuu ogaado waxyaabaha kenyaanka ku sugan Rome ay uga baahan yihiin dowladooda.
Waxaa la filayaa inay wada hadal yeeshaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi , Ms Georgia Meloni iyadoo uu ujeedku yahay xoojinta iskaashiga labada dhinac.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka ku sheegay in xilligan oo la dareemaya saameynta isbeddelka cimillada , ay lagama maarmaan tahay in maalgelin loo helo cunno soo saaridda.