Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay xal u heli doonto caqabadaha haysta ganacsatada yaryar.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in meesha laga saaraya xeerarka khatarta ku ah ganacsiyadan.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan qaar ka mid ah ganacsatada Nairobi ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedaan ganacsato u dhashay Shiinaha .
Ganacsatadan oo warato u badan ayaa cabasho ka muujiyey in ganacsatada ka soo jeedo Shiinaha ay badeecooyinka uga iibiyaan qiimo jumlo ah ka dibna ay isla badeecooyinkaasi si tafaariiq ah qiimo hoose ay uga iibiyaan suuqyada caasimadda.
Kulanka uu shir guddoomiyey madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki, dhigiisa arrimaha dibadda Alfred Mutua , xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda ganacsiga Alfred K’Ombudo, dhigiisa maalgashiga Abubakar Xassan iyo madax kale.
Listening to the people for inclusive and lasting decisions is key Kenya Kwanza guiding principles. For this reason, today, I held a meeting with Nairobi-based small-scale traders at Harambee House Annex, Nairobi, over challenges they presented as impediments to their businesses. pic.twitter.com/2xRU1YbRBG
— Rigathi Gachagua (@rigathi) March 1, 2023
We agreed on a three-week timeline to exhaustively consider the issues for comprehensive interventions. pic.twitter.com/AtZ5DeeMTM
— Rigathi Gachagua (@rigathi) March 1, 2023




