Madaxweyne ku xigeenka dalka oo la tacaali doono saameynta abaarta

0
376

Xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa loo xilsaaray inuu isku dubarido dadaallada ay dowladda dhexe iyo ismaamullada uga falcelinayaan saameynta abaarta.
Arrintan ayaa waxaa shaaciyay hoggaamiyaha wadanka William Ruto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay meesha ka saari doonto caqabado dhanka maamulka ah oo horay u jiray oo hoos u dhigay qaabka ay dowladda uga jawaabto saameynta abaarta.
Ruto ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in saaxiibada dhinaca horumarka ee Kenya ay si dhow ula shaqeeyaan ismaamullada iyo dowladda sare.
Waxaa sidoo kale iskaashiga gurmadka qayb ka ah hay’adaha aan dowliga ahayn, hay’adaha qaramada midoobay iyo laanqayrta cas.