Madaxweyne ku xigeenka dalka oo la kulmay madaxda Kisii

0
321

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta ka soo jeedo ismaamullada Kisii iyo Nyamira ayaa sheegay in maamulka Kenya Kwanza uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan madaxda iyadoo aan la eegayn xulufaysiga siyaasadeed.
Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Gachagua ee daarta Harambee House Annex ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay inay ka wada tashanayeen qorshaha horumarineed ee labada ismaamul.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xusay in madaxda Kisii iuo Nyamira ay u ballan qaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda talada haysa .
Kulanka waxaa ka qayb galay madaxa Kenya Kwanza u qaabilsan nidaamka baarlamaanka Sylvanus Osoro, xildhibaannada kala ah Innocent Obiri (Bobasi), Steve Mogaka (West Mugirango), Patrick Osero (Borabu), Charles Onchoke (Bonchari), Daniel Manduku (Nyaribari Masaba), iyo wakiilka haweenka ee Nyamira Jerusha Momanyi.