Madaxweyne ku xigeenka dalka oo la kulmay agaasimayaasha KTDA

0
286

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa xafiiskiisa daarta Harambee House ee magaalada Nairobi waxaa uu kulan kula yeeshay guddiga maamulo waaxda horumarinta caleenta shaaha ee (KTDA).
Mas’uuliyiintan ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga Mr. David Muni Ichoho iyo madaxa fulinta Mr. Wilson Muthaura.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in shirka uu ku saabsanaa sare u qaadidda dakhliga ay beeralayda caleenta shaaha helaan.
Waxaa uu madaxweyne ku xigeenka wadanka xusay inuu madaxda KTDA uga mahadceliyay isbeddellada lagu sameynaya waaxdan.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay taageeridda maamulka horumarinta caleenta shaaha ee KTDA iyo guddiga maareeya si ganacsigan uu u noqdo mid waara.
Gachagua ayaa xaqiijiyay in dowladda aynan wax dhibaato ah ku qabin hoggaanka KTDA iyo guddiga maamulo labaduba.
Hasa ahaate waxaa uu cadeeyay in marnaba aan laga laaban doonin isbeddellada lagu wanaajinaya waaxdan si beeralayada ay uga macaashaan.
Rigathi Gachagua ayaa guddiga KTDA u xaqiijiyay inay kala shaqeynayaan sidii loo cirib tiri lahaa dadka khiyaano beeralayda si ay uga macaashaan.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu soo dhisi doono guddi ka kooban wakiillada waaxda caleenta shaaha si ay u hoggaamiyaan isbedellada lagu dhaqaaqi doono.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuu eegi doono go’aamo ay qaateen xubnaha guddigii hore oo aynan ka faa’iidin beeralayda.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay xoghayaha joogtada ee arrimaha golaha wasiirrada Julius Korir.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu ku xigeenkiisa u xil saaray inuu hormuud ka noqdo dib u eegista soo saaridda iyo ka ganacsiga caleenta shaaha, qaxwada iyo caanaha.