Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in wax laga beddelo hannaanka maaliyadda

0
206

Ku xigeenka madaxweynaha dalka ,Rigathi Gachagua oo ku sugan magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo nidaamyada maaliyadeed ee hadda jira gaar ahaan kuwa la xiriira wax soo saarka beeraha.
Waxaa uu sheegay in nidaamyadan aynan u wanaagsanayn waddamada qaaradda Afrika in kastoo ay u baahan yihiin maalgelin dheeraad ah.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan heer sare ah oo ay soo qaban qaabisay qaramada midoobay kaasoo ka socdo Talyaaniga.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in Afrika ay weli wajahaysa caqabado sii adkeynaya wax soo saarka beeraha.
Waxaa uu codsaday in waaxdan si wayn loo maalgeliyo.
Mr. Gachagua ayaa saaxiibbada dhanka horumarka ku boorriyay inay si gaar ah u eegaan hannaanka soo saaridda cunnada ee qaaradda Afrika.
Kulanka ayaa lagu qabanaya xarunta dhexe ee hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ee magaalada Rome.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si dhow ula shaqeynaysa saaxiibadeeda si sare loogu qaado soo saaridda cunnada oo loo xalliyo caqabadaha ka dhasha abaarta iyo culeysyada dhaqaale ee haysta qaaradda.
Shirka uu uga qayb galaya dalka Talyaaniga ayuu ku tilmaamay fursad uu mas’uuliyiinta kale kula wadaagaya waaya aragnimada Kenya iyo in wax laga kororsado dhaqammada wanaagsan ee ka qayb galayaasha kale.