Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in waddamada Afrika ay meesha ka saaraan dal ku galka

0
254

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa soo jeediyay in waddamada hoos tago qaaradda Afrika ay meesha ka saaraan dal ku galka ama fiisaha lagu xiro dadweynaha marka ay waddan kale tagaan.
Tani ayuu sheegay inay dardargelin doonto horumarka qaaradda.
Waxaa uu xusay in dhallinyarada ay fursad u heli doonaan inay ku dhex socdaalaan Afrika oo ay isdhexgal sameeyaan xaddidaad la’aan.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada ay leeyihiin hibooyin iyo dhiirranaan ay ku xallin karaan caqabadaha dhanka horumarka ee ka jira dalalkooda.
Waxaa uu dhanka kale da’yarta ku boorriyay in hal-abuurkooda ay ku saleeyaan dhinacyada ay daneynayaan dowladaha iyo saaxiibadooda dhanka horumarka.