Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in dib loo dhigo cusbooneysiinta leemanka taleefoonada

0
913

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in hadda aynan jirin sabab degdeg ah oo Kenyaanka loogu qasbo inay muddo kooban gudaheeda ku cusbooneysiiyaan macluumaadka ay ku diiwaangeliyeen leemanka lagu isticmaalo taleefoonada gacanta.
Waxaa uu soo jeediyay in barnaamijkan dib loo dhigo ilaa bisha 12-aad ee sanadkan.
Maamulka isgaarsiinta dalka ayaa horay wacad ugu maray in 15-ka bishan oo ku beegan Jimcada soo socoto uu xiri doono nambarrada aan sida habboon u diiwaangashanayn..
Hasa ahaate hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa maamulka CA ka codsaday inuu Kenyaanka ugu adeego si ay baniaadannimo ku dheehan tahay.
Waxaa uu Ruto sheegay in haddii maamulka isgaarsiinta ee wadanka uunan niyad wanaagsan ka lahayn qorshahan, uunan ku guulaysan doonin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbeheysiga Kenya Kwanza ee uu Ruto ka tirsan yahay uu ku goodiyay inuu maxkamadda geynaya dacwad ka dhan ah dib u cusbooneysiinta xogaha nambarrada lagu isticmaalo taleefoonada gacanta.
Maamulka isgaarsiinta ee Kenya ayaa maalmo ka hor caddeeyay in howshan aynan wax xiriir la lahayn doorashada guud balse looga gol-leeyahay in lagula tacaalo falal dambiyeedyada saameya shacabka.