Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in aan la caburin warbaahinta

0
259

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in loo baahan yahay in warbaahinta fursad loo siiyo inay shacabka wargeliso.
Waxaa uu Gachagua wasiirka wasaaradda ganacsiga ee dalka Moses Kuria ku taageeray eedeyn uu u jeediyay qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga oo uu ku tilmaamay kuwo garab siinaya mucaaradka.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in mararka qaar ay warbaahintu raadiso dulduleellada ka dhex jiro dowladda oo aynan soo bandhigin horumarka .
Hasa ahaate waxaa uu wasiirka ganacsiga uga soo horjeestay in tallaabo laga qaadaya hay’addii dowladeed ee ay xayeysiin u sameyso warbaahinta Nation.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in saxaafadda la siiyo madax bannaanida dastuuriga ah ee ay ku shaqeyso balse aynan marnaba ka gaabin doonin inay dhaliilaan marka ay wax tabanayaan.