Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta ay ka baxday sarkaalad booliis ahayd oo dhawaan geeriyootay.
Jane Kagwiria ayaa ka mid ahayd ciidamada ka howlgalo daarta Harambee House ee magaalada Nairobi oo uu ku yaallo xafiiska Kindiki.
Waxay geeriyootay iyadoo 42 sano jir ah ka dib markii ay xanuunsatay.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa qoyska Jane u sheegay inuu murugada la qaybsanaya xilligan adag.
Waxaa uu sarkaaladda ku tilmaamay mid si ay daacadnimo ku dheehan tahay ugu adeegi jirtay qarankeeda.
Jane ayaa ciidanka booliiska ee maamulka ee AP-da ku biirtay sanadkii 2003-dii wuxuuna qorshuhu yahay in 9-ka bishan meydkeeda lagu aaso tuulada Bwethaa ee ismaamulka Meru.