Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka tacsiyaadeeyay geerida aabaha dhalay senetarka Nyandarua

0
294

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Michael Maigo Waweru oo ah aabaha dhalay senetarka Nyandarua John Methu.
Warbixin uu maanta soo saaray madaxweyne ku xigeenka dalka ayuu tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Mr Waweru ,kaasi oo uuna ku tilmaamay inuu ahaa qof karti badan.
Senetarka ismaamulka Nyandarua John Methu ayaa ku dhawaaqay geerida aabihiis galinkii dambe ee shalay.