Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka hadlay la dagaallanka daroogada

0
207

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda ay kaashan doonto waaxyaha gaadiidka si loogu guulaysto dagaalka ka dhanka ah isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada.
Gachagua ayaa xusay in daroogada ay ka midka tahay khamriga ay saameyn ba’an ku yeelatay nolosha dhallinyaro badan.
Waxaa uu sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan howlwadeennada gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyo mootooyinka si waaxyahan isbeddel loogu sameeyo oo ay da’yarta uga helaan fursado shaqo.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu magaalada Nairobi kulan kula qaatay xubnaha xiriirka wadayaasha baabuurta iyo gacan yarayaashooda.