Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in maamulka talada haya uunan xiri doonin ganacsiyada muran ku saabsan canshuurta awgeed.
Waxaa uu maamulka canshuuraha ee KRA ugu baaqay inuu ganacsatada wada hadallo la yeesho.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa kenyaanka ku boorriyay inay canshuuraha bixiyaan.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in bixinta canshuurta ay muhiim u tahay baraaraha wadanka sidaas awgeedna loo baahan yahay in qaab wanaagsan loola macaamilo maalgashatada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay warshad uu lahaa ganacsade lagu magacaabo Humphrey Kariuki oo uu Gachagua xusay in la xiray sanadkii 2019-kii taasoo ku taallay deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu.
Hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo aan la oggolaan doonin in ay mar kale gudaha wadanka ka dhacdo.
Waxaa uu sheegay in warshadda Africa Spirits Limited ay bil waliba bixinaysay canshuur dhan 50 milyan oo shilin balse albaabada la isugu dhuftay sidoo kalena la xiray milkiilihii.
Mr. Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in warshaddan ay saddex sano bixin lahayd canshuur dhan 1.8 bilyan oo shilin oo sida uu sheegay looga baahan yahay wadanka.
Taxpayers Day 2022, KICC, Nairobi. #TaxpayersDay2022 https://t.co/wN5E2o5NLE
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) October 28, 2022