Madaxweyne ku xigeenka dalka oo diyaar u ah in hantidiisa la qiimeeyo

0
490

Agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka David Mugonyi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in William Ruto uu diyaar u yahay in lagu sameeyo baaritaan la xiriira hanti dhowrka.
Waxaa uu Mugonyi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ku eedeyay inuu awoodiisa u adeegsanaya sidii uu u liidi lahaa Ruto.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka oo ka soo hormuuqday guddiga amniga iyo maamulka ee baarlamaanka uu sheegay in madaxweyne ku xigeenka dalka uu haysto ilaalada ugu badan oo ah 257 sarkaal.
Waxaa uu wasiirku intaasi ku daray in aynan jirin khatar amni oo uu wajahaya Ruto.
Hasa ahaate agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xusay in wasiirku uu baarlamaanka ugu warramay sidii in hoggaamiyaha labaad ee wadanka uunan adeeg uga baahnayn wasaaradda arrimaha gudaha oo kale.