Madaxweyne ku xigeenka dalka oo dib uga soo laabtay safarkiisi dibadda

0
670

Ku xigeenka madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa dalka soo gaaray galinkii dambe ee shalay ka dib safar qaatay 12 cisho oo uu ku joogay Ingiriiska iyo Maraykanka.
Waxaa uu sidoo kale marti qaaday musharraxiin ka soo jeedo ismaamulka Wajeer oo doonaya inay xilalka kala duwan ee hoggaanka ugu tartamaan tikedhka xisbiga UDA.
William Ruto ayaa musharraxiinta ku qaabilay xafiiskiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii dhawaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo uu Ruto tartan kala dhexeya uu isku soo bax siyaasadeed ku qabtay magaalada Wajeer.
William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inay ka go’an tahay inaan laga tagin qof Kenyaan ah oo dhammaan shacabka ay ka wada faa’iidaystaan qorshaha wax looga beddelayo dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysto madaxtinnimada wadanka, maamulkiisa uu si gaar ah u garab istaagi doono ganacsatada yaryar , dhallinyarada iyo beeralayda.
27-kii bishii hore ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu safar ugu ambabaxay Maraykanka ka hor inta uunan u sii gudbin Ingiriiska.
Waxaa uu waddamadaasi kulamo kula soo qaatay mas’uuliyiin dowladeed iyo qurba joogta Kenyaanka ah.