Madaxweyne ku xigeenka dalka oo bogaadiyay doorka qurba joogta ee kobcinta dhaqaalaha

0
274

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in kenyaanka qurba joogta ay door muhiim ah ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha wadanka.
Xilli uu la hadlayay kenyaanka ku nool dalka Belgium, ayuu Gachagua hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay si joogto ah ula xiriiraysa muwaadiniinta ku sugan dalalka kale ee caalamka si loo wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay inay arrintan la kaashanayaan dowladaha waddamada marti geliyay kenyaanka qurbaha ku nool.
Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku sugan magaalada Brussels ayaa waxaa wehelinaya marwadiisa Dorcas Rigathi iyo safiirka Kenya ku matalo dalka Belgium Prof. Bitange Ndemo.
Waxaa uu halkaasi ku matalaya madaxweynaha dalka William Ruto isagoo ka qayb galaya kulamo looga hadlaya hal-abuurka casriga ah, tamarta dabiiciga, gaadiidka , waxbarashada iyo daryeelka caafimaad.