Madaxweyne ku xigeenka dalka oo baaq u diray xildhibaannada

0
287

Ku xigeenka madaxweynaha dalka ,Rigathi Gachagua ayaa sheegay in madaxda la soo doortay laga doonaya inay xoogga saaraan wax u qabashada shacabka.
Waxaa uu si gaar ah mudanayaasha baarlamaanka u xusuusiyey inay qandaraas la saxiixdeen codbixiyeyaasha oo in loo cusbooneysiinaya iyo in kale ay ku xiran tahay waxqabadkooda muddada shanta sano ah.
Gachagua ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha dalka William Ruto ay daneynayaan in mar kale la soo doorto.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay ismaamulka Nairobi oo uu kula hadlayay xildhibaannada baarlamaanka u qaabilsan ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada halkaasi oo lagu soo bandhigay qorshaha istaraatiijiga ee dhanka cimillada.
Gachagua ayaa xusay in mudanayaashan ay ku dadaali doonaan in la kordhiyo miisaaniyadda horumarinta deegaannada ee CDF-ta gaar ahaan qoondada loogu talagalay ilaalinta deegaanka si loo gaarsiiyo boqolkiiba 5.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe ay baarlamaanka garab ku siin doonto dhaqangelinta qorshaha la soo saaray si sare loogu qaado falcelinta ka dhanka ah isbeddelka cimillada.
Waxaa uu madaxweyne ku xigeenka dalka , Rigathi Gachagua, xildhibaannada ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan xarumaha waxbarashada ee ku yaalla deegaannadooda si loo joogteeyo howlaha badbaadinta deegaanka.
Waxaa uu sidoo kale siyaasiyiinta ka codsaday inay garab siiyaan qorshaha dowladda ee lagu beeraya 15 bilyan oo geedo ah.
Gachagua ayaa ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in laga gudbo hannaanka wax soo saarka beeraha ee ku tiirsan roobabka oo loo wareego nidaamka waraabinta beeraha.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada keydinta biyaha ee deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs iyo u adkeysiga dhibaatooyinka soo foodsaaro shacabka halkaasi ku nool.