Madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindiki ayaa ku celiyay sida ay Dowladda uga go’an tahay in ay adeegyada iyo horumarka gaarsiiyaan dhammaan dadka Kenyanka ah ee ku nool guud ahaan dalka iyadoo aan la takoorin.
Isagoo ka hadlayay degmada Katangi, ee deegaan baarlamaaneedka Yatta, ee ismaamulka Machakos intii lagu guda jiray barnaamijka awoodsiinta,Kindiki wuxuu ugu baaqey Kenyanka inay ka fogaadaan hogaamiyaasha ku dhiiragalinaya kala qaybsanaanta.
Waxaa uu ballan qaadey inuu sii wadi doono socdaalka uu dhamaan gobolada dalka si uu Kenyaanka ugu sharaxo barnamijyada ay dowlada wado iyo kuwa kale ee la doonayo in laga hirgaliyo dowlad deegaanada ee dalka.