Madaxweyne Geelle oo Iclaamiyay shir degdeg ah oo looga hadlayo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

0
297

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iclaamiyay shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD oo ay uga hadli doonaan xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka.
Shirka uu iclaamiyay madaxweyne Geelle ayaa ah mid si gaar ah ay uga arrinsan doonaan madaxda Ururka arrinta la xariirta xiisadda culus ee ka dhalatay heshiis muran badan dhaliyay oo dhawaan Adis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
Waxaa uu shirka ka dhici doona magaalada Kampala ee dalka Uganda 18-ka bishan, waxaana marti gelinaya madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.
Urur goboleedka IGAD ayaa shirkan uga jawaabaya baaqii dowladda Soomalaiya ee la xiriiray in Ururka uu fadhi degdeg ah ka yeesho xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Itoobiya ayaa dhawaan Adis Ababa heshiis la xariira inay hesho 20 kiilomitir oo ka mid ah biyaha Soomaaliya la gashay Somaliland, halka Itoobiya ay iyana Somaliland u aqoonsan doonto dowlad madax banaan.
Hoos ka akriso qoraalka: