Madaxweyne Erdogan oo shaaciyey golihiisa wasiirrada

0
196

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo shalay loo dhaariyey xilka madaxtinnimo ayaa ku dhawaaqay xubnaha golihiisa wasiirrada.
Waxaa uu wasiirka wasaaradda maaliyadda u magacaabay Mehmet Simsek oo horay u soo hoggaamiyay waaxda dhaqaalaha iyo bangiyada.
Erdogan oo billaabay muddo xileedkiisi saddexaad ee xilka madaxtinnimo ayaa isbeddel ku sameeyay golihiisa wasiirrada marka laga reebo caafimaadka iyo dhaqanka.
Dalka Turkiga ayaa la daala dhacaya sicir barar heerkiisu gaaray boqolkiiba 85 bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka hor inta bishii Shanaad ee May aan hoos loo soo dhigin ilaa boqolkiiba 44.
Wasiirka arrimaha dibadda waxaa loo magacaabay Hakan Fidan
Yasar Guler, taliyaha ciidamaa militariga Turkiga ayaa loo magacaabay xilka wasiirka gaashaandhigga.