Madaxweyne Deni oo markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inuusan diyaar u ahayn muddo kororsi

0
465

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay wuxuu shaaca ka qaaday in uusan diyaar u ahayn inuu muddo kororsi sameysto.
Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday in siddeedda bisha Koowaad ee sanadka soo socda ee 2024-ka ay Puntland ka dhici doonto doorashada axsaabta badan, isagoo sheegay inuu ogsoon yahay dhibaatada muddo kororsiga.
Waxaa uu sheegay in haddii laga guulaysto isaga iyo xisbigiisa in ay si nabad ah xilka u wareejin doonaan.
Deni ayaa caddeeyay inay ka go’an tahay inuu ka dhabeeyo himilada reer Puntland ay ku tamaayaan ee ah in la gaaro nidaam dimuqraadiyadeed oo ay dadku si xor ah isku dooranayaan.
“Dadka reer Puntland waxa aan u sheegayaa in doorashada aan xilligeeda ku qabanno, ma hadlo Deni baa la dhahay ee maanta ayaan idinla hadlay, waxa aan diyaar u ahay tartan axsaab ah ee 8-da bisha Koowaad ee sanadka dambe, waxa aan ballanqaadayaa in haddii la iga guuleysto in aan xilka si nabad ah u wareejiyo, dalka nabad ha loo daayo.” ayuu yiri Deni.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkan xalay ka sheegay xafladda sanad guurada 25-aad ee aas aaskii Puntland, isagoo ku baaqay in la isku diyaariyo tartanka axsaabta badan.
Waxaa uu intaasi ku daray in wax kaste oo dhacay la iska hilmaamo, loona diyaar garoobo doorasho.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid iyadoo dadka walaac weyn ka muujinayeen hubanti la’aanta doorashada 8-da bisha Janaayo ee 2024-ka, taas oo loo arkayay inay horseedi karto khilaaf iyo burbur ku yimaada Puntland.