Madaxweynaha xukuumadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Laascaanood nabad ugu baaqay, isaga oo u sheegay in aynan oggolaanayn in maamul kale Somaliland laga dhex sameeyo.
Xilli uu ka hadlayay munaasabadda 26-ka Juun oo 63-guuradii ka soo wareegtay markii gobollada Waqooyi ay ka xaroobeen gumeystihii Ingiriiska, ayuu Muuse Biixi ugu horeyn nabad ugu baaqay reer Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka shacabka ah ee qaxay ay iyagu ugu nabad jecel yihiin imika, waxa uu sheegay in shacabka la galiyay dagaal bilaa u jeedo ah oo dad shisheeye ku soo waarideen.
Waxaa uu sheegay in la faafiyo beeno ay ka mid tahay in Somaliland ay haldoorka Laascaanood layn jirtay, taasi oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay, isaga oo xusay in Somaliland aynan wax weerar ah qaadin muddadii ay colaaddu socotay.
“Somaliland horay umay dilin, haddana kumay duulin, waxaa dagaal dhacayay maalin dhuqa Somaliland weerar may qaadin, xabbadna kumay horayn, tu lagu soo rido oo ay iska daafacdo mooyaane” ayuu yiri madaxweyne Biixi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa intaasi ku daray in dadka Laascaanood dagaalkeeda hoggaaminaya anay ahayn dadkii deegaanka oo ay yihiin ciidamadii Puntland iyo xooggaga Al-Shabaab ah, isaga oo sheegay in ay ciidanka 24-kii bishan ku soo qaadeen weerar madaafiic ah oo ay 2 askari ku dileen, ka dibna ciidanku is difaacay.
“Shalay weerar madaafiic ah ayay soo qaadeen 2 dii ugu horreeyay ayay dileen, xaq ayuu u leeyahay ciidanku marka la soo weerarro in uu jawaab culus bixiyo, ma jiro qof qaadanaya aan ku dile ha ila hadlin” ayuu yiri Biixi.
Waxaa uu sheegay in ay wada hadal ku baaqayaan iyo nabad, lakiin ay ciidanka waajib ku tahay in uu gaaro xuduudihiisii, islamarkaana xuduud hab qabiil ku dhisan aan Somaliland laga dhex sameyn karin, sida uu hadalka u dhigay.
Isimada dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Laascaanood ayaa dhowr jeer sheegay in anay Al-Shabaab Laascaanood joogin sida Somaliland sheegeyso, waxayna xusul duub ugu jiraan sidii ay u aas-aasi lahaayeen maamul hoostaga dowladda Soomaaliya oo Laascaanood xarun u tahay.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Biixi “Xaq ayuu u leeyahay ciidanku marka la soo weerarro inuu...




