Dib u dhac markale ku yimid doorashada aqalka sare ee Soomaaliya

0
569

Sida uu qorshuhu ahaa waxay maanta ahayd inay billaabato doorashada Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya si loo soo gabagabeeyo 28-ka bishan, waxaase muuqata inuu dib u dhac jiro.
Waxaana socda dadaallo ay wadaan guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer gobol oo ay ku doonayaan in madaxda maamul goboleedyada ku soo gudbiyaan liiska murashaxiinta Aqalka Sare.
Dhinaca kale guddiga xallinta khilaafadka doorashada dadban ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya .
Wuxuuna guddigu warqadda uu soo saaray uu ku sheegay 4 shuruudood oo looga baahan yahay ciddi guddiga cabashada u soo gudbineysa.
Shuruudahaasi oo ay ka mid tahay qofka cabshada qabo inuu bixiyo lacagta diiwaangelinta cabshada oo dhan 3,000 oo doolar.