Madaxweynaha Ukraine oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaas

0
199

Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa si rasmi ah u aqbalay waraaqaha aqoonsiga ee Safiirka cusub Soomaaliya ee Ukraine, oo xaruntiisu tahay Belgrade, Serbia, Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed.
Sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya, Madaxweyne Zelenskyy ayaa u mahadceliyey Soomaaliya taageerada ay u fidiso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Ukraine, isagoo xusay kaalinta muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo nabadda waarta ee dalka Ukraine.
Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa ammaanay tayada sare ee aqoonta, wax-soosaarka, wadaninimada, iyo dadaalka bulsho ee dadka Ukraine, isaga oo rajo weyn ka muujiyey in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo waxbarashada.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in iskaashigan lagu horumarin doono heshiisyo labo geesood ah, si loo faa’iideysto fursadaha kala duwan ee iskaashi.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhisidda xiriir saaxiibtinimo, ixtiraam, iyo wada-shaqeyn ballaaran oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Ukraine.
Sidoo kale, Danjire Maxamed Cabdullaahi iyo Ku-xigeenkiisa, Ismaaciil Adan, ayaa kulan laba-geesood ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine si ay u xoojiyaan xiriirka cusub ee labada dal.