Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Washington ee caasimadda dalka Maraykanka.
Waxaa la filaya in uu kulan la yeesho madaxweyne Joe Biden, sidoo kalena uu khudbad ka jeediyo kal-fadhi wadajir ah ee Congress-ka Maraykanka.
Safarka Mr. Zelensky ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo meel ka baxsan dalka Ukraine uu u ambabaxo, tan iyo markii uu billowday duullaanka Ruushka uu ku qaaday wadanka dariska la ah bishii Labaad ee sanadkan.
Waxaa uu sidoo kale safarkiisa kusoo aadaya iyadoo dullaanka Ruushka ee Ukraine uu galay 10 bilood.
Waxaa dhanka kale lagu wadaa in sharci dajiyayaasha Mareykanka ay u codeeyaan xirmo dhaqaale oo dhan 45 bilyan oo doolar oo gargaar degdeg ah, islmarkaana la siinayao Ukraine.
Wasaaradda gaashandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa sidoo kale isku diyaarineyso inay Ukraine u dirto gantaallada hawada sare si ay iskugu difaacdo.




