Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa soo saaray digniin ah haddii ciidamada dowladda Ruushka ay iskudayaan inay qabsadaan caasimadda wadankaasi ee Kyiv, saraakiisha difaaca ee Ukraine ay geli doonaan dagaal lagu baabi’inayo dhigooda xukuumadda Moscow.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saaka shacabka ku nool magaalada Kyiv ay ku waabariisteen weerarro dhanka cirka ah.
Zelenskyy ayaa galinkii dambe ee shalay hoosta ka xarriiqay in aysan marnaba Ruushka u oggolaan doonin inuu gacanta ku dhigo magaala madaxda wadankaasi looga arrimiyo.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalkaasi xusay in duullaanka militari ee Moscow lagu dilay qiyaastii 1,300 oo ka mid ahaa ciidamada difaaca ee wadanka Ukraine.
Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa dowladaha reer galbeedka ku boorriyay inay si wayn uga qayb qaataan wada xaajoodyada nabadeed ee labada dhinac.