Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in ciidamada dalkaasi ay horumar sameynayaan

0
189

Madaxweynaha dalka Ukraine Ukraine,Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee wadankaasi ay horumar sameynayaan oo ayna khasaare gaarsiinayaan kuwa Ruushka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu labada dhinac ka dhexeeya dagaal culus.
Ku xigeenka wasiirka difaaca ee Ukraine , Hanna Maliar ayaa dhankeeda sheegtay in militariga dalkaasi uu dib ula wareegay ilaa toddobo tuulooyin oo cabbirkooda dhuleed uu yahay 90 kiilomitir oo isku wareeg ah.
Tuulooyinkan oo ku yaalla bariga Ukraine ayaa waxaa horay u qabsaday Ruushka.
Hasa ahaate wasaaradda gaashaan dhigga ee dowladda Ruushka ayaan weli arrintan ka hadlin balse waxay sheegtay oo keliya in ciidamadooda ay iska caabiyeen weerarro ay ku soo qaadeen ciidamada Ukraine ee gobollada Donetsk iyo Zaporizhia.