Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa safar aan la sii shaacin ku tagay wadanka Netherlands sida ay tabisay warbaahinta dalkaasi.
Safarka hoggaamiyaha Ukraine ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu ku tago Netherlands.
Afhayeen u hadlay dowladda dalkaasi ayaa sababo amni awgood ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo socdaalka Zelenskyy.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Netherlands ayaa sheegtay in madaxweynaha Ukraine la filaya inuu jeediyo khudbad uu cinwaankeedu yahay inaynan nabad jirayn ilaa inta ay caddaalad ka helayaan.