Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Waxaa halkaasi ka qabsoomaya kulan ay yeelanayaan xubnaha Midowga Yurub.
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa codsanaya in Midowga Yurub uu sare u sii qaado taageerada uu siinaya dalkiisa oo uu saameyn ku yeeshay duullaanka militari ee uu Ruushka halkaasi ku qaaday 24-kii bishii Labaad ee sanadkii hore.
Zelenskyy ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa warfidiyeenka u sheegay inay Ukraine gaarsiin doonaan taageero dheeraad oo militari.