Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku boorriyay dadweynaha wadankaasi inay feejignaadaan ka hor maalinta madaxbanaanida ee dalkaasi oo ku beegan maalinka Arbacada ee 24-ka bishan.
“Waa inaan dhammaanteen ogaana in toddobaadkan Ruushku uu isku dayi karo inuu sameeyo wax gaar ah oo aad u fool xun” ayuu yiri madaxweyne Volodymyr Zelenskyy
Dhanka kale maamulka wadanka Albania ayaa sheegay in ay xireen saddex qof, oo labo ka mid ah wataan baasaboor Ruush ah iyo mid u dhashay Ukraine, kuwaas oo doonayay in ay gudaha u galaan xarun milatari.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Edi Rama ayaa ku tilmaamay dhacdadan inay tahay mid looga shakisan yahay inay la xiriirto basaasnimo.