Madaxweynaha dalka Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu wadaa inuu safar rasmi ah ku tago magaalada Washington ee Maraykanka.
Safarkan ayaa u billaaban doono toddobaadka dambe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in socdaalka hoggaamiyaha Ukraine uu yahay mid uu taageero dheeraad ah ugu raadinaya wadankiisa oo uu weli Ruushka duullaan militari ku haya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu aqalka kongareeska waydiistay inuu Ukraine u qoondeeyo caawimaad lacageed oo dhan 24 bilyan oo doolar.
13.1 bilyan oo doolar oo lacagtan ka mid ah ayaa loo adeegsanaya howlaha militariga halka 8.5 bilyan oo doolar loogu talagalay gargaarka baniaadannimo.