Madaxweynaha Ukraine “Awooddeena waxaad arki doontaan marka aad si rasmi ah inoo soo weerartaan”

0
418

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky oo shacabka dalkaasi kala hadlay teleefishinka qaranka ee wadankaasi ayaa sheegay inay is difaacayaan.
“Waxaan difaaceynaa calankeena, dalkeena, carruurteena, dumarkeena iyo dhamaan qof kasto oo Ukraine u dhashay”
“Awooddeena waxaad arki doontaan marka aad si rasmi ah inoo soo weerartaan, wajiyadeena ayaad arki doontaan ee dhabarkeena ma arki doontaan, diyaar ayaan ahay, ciidankeenuna waa diyaar Ukraine waa diyaar” ayuu yiri madaxweyne Volodymyr Zelensky
Waxaa uu intaasi ku daray inuu saaka la hadlay dhigiisa Mareykanka Joe Biden, islamarkaana loo sheegay inuu heli doono taageerro militeri oo caalami ah.
Madaxweynahe Volodymyr Zelensky ayaa xusay inay isku filan yihiin islamarkaana Ukraine oo dhan ee heegan tahay.