Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa soo gaaray Kenya waxaana gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay hoggaaminaysay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Raychelle Omamo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in Museveni uu goobjoog ka noqon doono heshiis ay saxiixaysa dowladda DRC kaasoo ay ku xaqiijinaysa inay aqbashay fursadda la siiyay ee ay ugu biirtay jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Waxaa munaasabaddaasi ka qayb geli doono hoggaamiyeyaasha toddobo waddan oo xubno ka ah EAC waxayna kala yihiin Kenya, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed,Tanzania iyo Uganda.
Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo saari doonaa khariiddada jaaliyadda EAC oo ay ka mid DRC oo dhawaan loo aqoonsaday xubinta toddobaad.
President Yoweri K. Museveni of the Republic of Uganda arrives in Kenya to witness the signing ceremony of the treaty of Accession by Democratic Republic of Congo to the East Africa Community (EAC). H.E Museveni was received at #JKIA by C.S Foreign Affairs Amb. Raychelle Omamo pic.twitter.com/yOxuPxz8Fg
— ForeignAffairsKenya (@ForeignOfficeKE) April 8, 2022