Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku casuumay madaxda Suudaanta Koonfureed inay ka wada hadlaan waddada nabadda ee dalkooda.
Kulanka ayaa waxaa isugu imaanaya madaxweyne Salva Kiir, Riek Machar iyo masuliyiin kale, si ay uga hadalaan una qiimeeyaan dhaqangelinta heshiiskii nabadda ee dib loo soo cusbooneysiiyay sanadkii 2018-ka.
Hoggaamiyayaasha ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiska nabadda.
Dadka arrimhan dusha kala socda ayaa sheegaya in inta badan qodobbada heshiiska ay ka mid yihiin qalin jabinta ciidamada isku dhafka ah.