Madaxweynaha Uganda oo sheegay in gudaha Soomaaliya looga dilay 54 sarkaal oo ciidan ah

0
232

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in kooxda Al-shabaab ay gudaha Soomaaliya ku dishay 54 ka mid ah ciidamada amniga ee Uganda.
Weerarka ayaa lagu qaaday saldhigga ciidamada nabadsugidda Midowga Afrika ee Buulamareer oo masaafo dhan 130 kiilomitir dhanka koonfurta galbeed uga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Al-shabaab ayaa 26-kii May sheegatay inay fulisay weerar ismiidaamin ahaa oo ay ku dishay 137 sarkaal.
Museveni ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada difaaca shacabka Uganda ee (UPDF) ay saldhigiisa dib ugala wareegeen kooxda.