Madaxweynaha Uganda oo maanta dalka kenya imaanaya

0
397

Waxaa uu qorshuhu yahay inuu maanta Kenya soo gaaro madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni.
Xoghayaha dhanka saxaafadda ee aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi, Emmanuel Talam ayaa arrintan ku xaqiijiyay wargelin lala wadaagay saxaafadda oo uu soo saaray.
Waxaa uu sheegay in Museveni uu State House tagi doono abaare 10-ka barqannimo ee maanta.
Waxaa uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa Kenya William Ruto.
Hasa ahaate , si horudhac ah looma sii faahfaahin waxyaabaha ay labada madaxweyne ka wada arrinsan doonaan.
Hoggaamiyaasha dalalka Kenya iyo Uganda ayaa la filayaa in ay kulankooda ka dib si wadajir ah ula hadlaan warbaahinta.