Madaxweynaha Uganda oo ka hadlay inay mamnuuceen shidaal ay ka iibsanayeen Kenya

0
270

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa faahfaahin ka bixiyay tallaabo ay dowladda wadankaasi ku mamnuucday shidaal ay horay uga iibsan jirtay Kenya.
Waxaa uu tani u aaneeyay in qiimaha shidaalka ay kordhiyeen dad uu ku tilmaamay dallaalliin.
Museveni ayaa hoosta ka xarriiqay in qiimaha shidaalka la kordhiyay boqolkiiba 59 tani oo aynan awoodin macaamiisha Uganda.
Waxaa uu intaasi ku daray in dabagal la sameeyay bilooyin ka hor lagu ogaaday in dallaalliinta ay shidaalka naaftada ku iibinayeen 118 doolar iyadoo qiimaha ay ku bixiyaan shirkadaha waawayn ee shidaalka qaybiya ama sifeeya uu yahay 83 doolar.
Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inuu arrintan kala hadlay dhigiisa Kenya William Ruto oo uu rajeynaya in dhawaan xal loo helo.