Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo socon doonta muddo saddex bilood ah.
Xaaladda degdeg ah ayuu madaxweynaha kaga dhawaaqay dhammaan 10-ka gobol ee ay sida ba’an u saameeyeen dhulgariirkii khasaaraha gaystay ee shalay ku dhuftay dalkaasi.
Mr. Erdogan ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay labada dhulgariir ee ku dhuftay koonfurta bari ee Turkiga ay gaartay 3,549 qof.
Tiradan ayaa ka dhigeysa dadka ku naafwaayay musiibadan oo ay ku jiraan kuwa waqooyiga Syria in ka badan 5,000 oo qof.
Depremin yaşandığı 10 ilimizi genel hayata etkili afet bölgesi olarak ilan ediyoruz.
Arama-kurtarma faaliyetlerinin ve sonrasındaki çalışmaların süratle yürütülebilmesini temin için, Anayasa’nın 119’uncu maddesi uyarınca 10 ilimizde 3 ay Olağanüstü Hal ilan etme kararı aldık.
— Recep Tayyip Erdoğan (@RTErdogan) February 7, 2023




